Kooxda Valencia ayaa Real Madrid garoonkeeda Bernabue kaga badisay 2-1
Guldaradan ay la kulantay Real ayaa fursad weyn u ahayd kooxda Barcelona oo iyaduna la ciyaartay kooxda Real Betis.
Barcelona ayaa garaanka la soo gashay iyadoo niyada ku haysa iney ka badiso kooxda Real Betis si ay 6 dhibcood uga hor marato Real Madrid.Inkastoo ay Barcelona heshay fursado badan haddana dhamestirka kooxda oo aad u liitay ayaa halkaasi ka dhalisayay 1 gool oo qura sidaadana ay ciyaartii ku dhamaatay 1-1.
