Madaxtooyadda oo shaacisay Ujeedda gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Date:

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, ayada oo sidoo kale shaacisay ajendaha rasmiga ah ee shirweynaha loo ballansan yahay.

Villa Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in ajendaha ugu muhiisam ee shirka soo socda uu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iayada oo sheegtay in ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Waxaa kale oo shirkan diiradda lagu saaray u diyaar garowga gogosha uu iclaamiyay madaxweynaha, iyaga oo isku raacay in loo howlgalo si wadajir ah oo niyadsami leh, si loo wada toono talada uu soo bandhigay Xasan Sheekh Maxamuud.

“Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale inta uu socday kulanka waxa ay madaxdu isku dhaafsadeen warbixinno kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo howlgallada hadda socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Share post:

Subscribe

spot_imgspot_img

Popular

More like this
Related

Barcelona oo ka faa’iideysan weyday fursada qaali ah.

Kooxda Valencia ayaa Real Madrid garoonkeeda Bernabue kaga badisay...

Soomaaliya oo lageynaayo 2500 askari Itoobiyaan kadib Heshiis dhaxmaray Midowga Africa.

Midowga Afrika iyo Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in...

Shariif Sheekh Axmed oo codsaday in baaritan deg deg ah lagu sameyo dilka Marxuum taliye Nuur Fareey

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed...

Maxuu ka yiri Mikel Arteta Gushii Horyaalka ee Arsenal?

Mikel Arteta oo wareesi bixiyay kadib kulanki Everton ayaa...